Barnaamij lagu basaasay Soomaali oo lagu xukmiyey in uu sharci daro ahaa

Image

WASHINGTON, US – Maxkamadda Rafcaanka Mareykanka ayaa sharci darro waxay ku tilmaamtay talaabo uu qandaraasle kusoo bandhigay codad malaayiin Ameerikaan ah kuwaasoo ay ku jireen afar qof oo Soomaali ah.

Edward Snowden, oo la shaqeynayey Hay'adda Amniga Qaranka, ayaa 2013-kii baahiyey codadkaas sababay in afarta Soomaaliga ah lagu eedeeyo in ay dhaqaale u diraan Urur Diimeedyada Soomaaliya gaar ahaan Al-Shabaab.

Baahinta codadkaas ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijka Dabagalka Argagixisada. Balse, xeer-beegtada waxay xukmisay in uusan haysan ogolaanshiyo. Qareenadda iyo Snowden ayay tibaaxdey "in aysan run sheegin".

Baaritaanka ay sameeyeen ayay hoosta ka xariiqdey in uu gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Soomaalida barnaamijkaas awadiis loo xukumay ayaa ayaa kala ah; Basaaly Saciid Macalin, Maxamed Maxamed Maxamuud, Iise Doreh iyo Axmed Naasir Taliil Maxamuud. Magaalada San Diego ayay deganaayeen.

Basaaly oo ahaa darawal tagsi waxaa lagu xukumay 18-sano oo xarig ah, Maxamuud oo ahaa Imaam Masji waxaa lagu xukumay 13-sano oo xarig ah, Doreh oo ahaa xawaaladle waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah iyo Maxamuud oo ahaa darawal tagsi waxaa lagu riday lix sano oo xabsi.

Go'aanka maxkamadda rafcaanka ayaanan wax ka bedeli karin xukunka ku dhacay afartooda. Balse, kooxaha u dooda xuquuqul insaanka oo soo dhaweeyay waxay sheegeen in uu qeexayo sharci darada barnaamijkaas.

Snowden oo kadib baahintaas u baxsaday Ruushka ayaa laga doon-doonayaa gudaha Mareykanka, isagoo ku eedeysan in uu sameeyay howlo basaasid ah. Sarakaiishu waxay sheegeen in shaqadaas aysan ogeyn.

Kiiska kasoo bilowday ninkaan haatan baxsadka ah ayaa gilgilay gudaha Mareykanka, waxaana uu gaarey heer ay ka doodaan Aqalka Sare ee Mareykanka, inkasta oo aysan faragelin maxkamadeyntii socotay.

Lacagta lagu eedeeyay in ay afarta Soomaaliga ah u direen Urur Diimeedyadda Soomaaliya ayaa gaareysay aduun dhan 10-kun oo Doolarka Mareykanka ah. Caddeymaha ayaa waxaa kamid ahaa wadahadalo dhanka telefoonka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM