Maxkamad xukuntay nin toogtay Soomaali saaxiib la ahaa walaashiis

Image

PORTLAND, Maine – Maxkamad ku taala magaalada Portland, gobolka Maine ee waddanka Mareykanka ayaa todoba sano iyo shan bilood oo xabsi ah waxay ku xukuntay nin cadaan ah oo toogtay wiil Soomaali ah.

Mark Cardilli Jr, oo 25-jir ah, ayaa xeer-beegtada horteeda wuxuu ka qirtay in uu dilay Isahak Muse. Balse, wuxuu ku doodey inuu naf-sadiisa ku difaacayey dhacdadaas lasoo wariyey March 16, sanadkii 2019.

Intii maxkamadeyntu socotay, Cardilli Jr ayaa ka dhawaajiyey in Muuse uu joogay gurigooda isla markaana uu la haasaawayey walaashiisa. Waalidkiisa ayuu ka shanqariyey in Muuse ka codsadeen in uu baxo.

Sidda laga soo xigtay qiraalkiisa, markii Muuse ku gacan-sayray in uu u faarujiyo hoygooda waxaa goobta ka dhashay gacan ka hadal. Mark Cardilli wuxuu kadib qori nooca fudud uu kala soo baxay qolkiisa gaarka.

"Wuu i feeray kadibna waxaan u maleeyay in ay macquul tahay in uu qoriga iga dafi karo, sidaas ayaana ku toogtay," ayuu tibaaxay.

Nancy Mills, garsooraha dacwadda, ayaa carabka ku dhuftay in uu filayo in xukunkiisa aysan ku farxi doonin labada qoys kuwaasoo uu hoosta ka xariiqay in mudadii ay wareysanayeen ay qiireysnaayeen.

Toogashada Muuse oo ahaa 22-sano jir ah kaasoo qoyskiisa ay Mareykanka ku galeen qaab qaxooti ahaan ayaa xiisad u dhaxeysa Muslimiinta iyo dadyowga kale waxay ka dhalisay magaaladda ay wax ka dhaceen.

Suzanne Cardilli, hooyadda dhashay xukunsanaha, ayaa u sheegtay dacwad-oogeyaasha in wiilkeeda uu "difaacayey qoyskiisa". Waxay ku ammaantey "jaceylkiisa, daryeelkiisa iyo in uusan deg-degin".

Sikastaba ha ahaatee, Mark Cardilli Jr oo lagu helay in uu geystay dil ola kac ah ayaa wajahi karay 30-sano oo xarig ah. Sidoo kale, dacwadda kale oo ahayd in uu adeegsaday qori wuxuu ku muteysan karay afar sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM