Maxkamada ciidamada Jubaland oo xukunkii ugu horeeyey ridey

Image

November 22,2014 [GO]- Maxkamada ciidamda maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku riday mid kamid ah askarta maamulka Jubbaland oo lagu magacaabi jiray Cabdirashid Cabdi oo dil bareer ah u gaystay wiil yar oo da'diisa lagu sheegay 9 jir.

Xeer ilaaliyaha guud ciidamada ayaa ka hor akhriyay xukunka lagu riday eedeysanhaan kaddibna ka dalbadey Maxkamada in Cabdirashiid Cabdi oo lagu eedayay inuu dilay wiil 9 jira la toogto.

Go'aanka  xukunka Maxkamada kadib ayaa warku sheegayaa in cutub ka tirsan ciidama ammaanka Jubaland  toogteen marxuum Cabdirashid Cabdi.

Xasan Isxaaq Yaroow Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Jubbaland oo goobta toogashada  ka dhacday ka hadlay ayaa sheegay in askarigii si ula kac ah qof u dila xukuniisa uu yahay in la toogto.

Waa xukunkii ugu horeeyay oo ay rido Maxkamada ciidamada maamulka Jubbaland kaddib markii dhidabada loo taagey maalmo ka hor..

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta u dhooafay maglaada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isagoo halkaasi uga sii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo sida la sheegay uu casuumaad ka helay.

Maamulka Jubaland ayaa dagaal kula jira kooxda Al-shabaab oo ku dhuumaleysanaysa dhulka kaymaha ah ee ku teedsan gobolada maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 04:59AM

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM