Maxkamada sare ee Somaliland oo go'aan gaartey

Image

July 24, 2015 (GO)- Maxkamada sare ee maamulka Somaliland ayaa go'aan ka soo saarey dacwad maalintii 22 July,2015 u gudbiyeen labada xisbi mucaarad ee Wadani iyo Ucid.

Xisbiyada Wadani iyo Ucid ayaa ka cabanayey go'aan wasaarada arrimaha gudaha Somaliland isku hortaagtey shirweyne mucaaradku horey ugu baaqeen kaasoo kaga tashanayaan waxey ugu yeereen badbaadinta dimuqaraadiyada Somaliland kadib markii madaxweyne Siilaanyo diidey inuu cayimo maalinta doorshada.

Go'aanka Maxkamada sare ee Somaliland ayaa markii lagu dhawaqayey waxaa fadhiyey hogaamiye-yaasha labada xisbi mucaarad, wasaarada arrimaha gudaha iyo taliska Booliska. 

Qaraarka maxkamada sare ayaa lagu sheegey in xisbiyada mucaradka Wadani iyo Ucid xaq u leeyihiin iney qabsadaan shirar, iyadoo maxkamada go'aamisay in ay xaaraan tahay in cid aan aheyn golaaysha qaranku ku baaqdo shir qaran.

Dhinaca kale maxkamada sare ayaa amartey in muranka siyaasiga ah oo ku saleysan qabashada doorshada soo socota dhamaan dhinacyada siyaasada iyo hay'adaha ay khuseyso ee dastuuriga sida uga dhaqsaha badan u soo afajaraan.

Go'aanka Maxkamada sare ayaa xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka soo dhoweeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM