Maxkamadda Ciidamada oo dooneysa in xasaanad laga qaado xildhibaano huriyay colaad

Image
MUQDISHO – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa codsi u dirtay Baarlamaanka Federaalka in qaado xasaanadda dhowr xildhibaan oo lagu eedeeyay inay taageero siiyeen maleeshiyaad beeleed ka qayb galay dagaallo dhimasho sababay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada, Lt. Col. Axmed Xaaji Cabdullaahi (Kamey), ayaa sheegay in baarayaashu soo uruuriyeen caddeymo xooggan oo muujinaya in xildhibaano aan magacyadooda la shaacin ay maleeshiyaadka u gudbiyeen lacago, hub iyo rasaas, isla markaana si fagaare ah ugu difaaceen baraha bulshada.

“Waxaa jira mas’uuliyiin leh xasaanad baarlamaan oo maleeshiyaad siiya hub, dhaqaale iyo garab hadal oo ay ku jiraan difaac ay siyaabo kala duwan uga sameeyaan baraha bulshada,” ayuu yiri Kamey oo ka hadlayey deegaanka Yaaqbariweyne ee hoostaga degmada Wanlaweyn.

Wararka ay ururiyeen dacwad-oogayaasha ayaa tilmaamaya in xildhibaanada lagu tuhunsan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin labada dhinac ee is haya ee Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne, isla markaana ay ku lug lahaayeen hawlgallo maleeshiyaad oo sababay isku dhacyo soo noqnoqda, carqaladeeyay isku socodka gaadiidka, kordhiyayna xiisadaha beeleed ee koonfurta Soomaaliya.

Kamey ayaa sheegay in caddeymaha la diyaariyay lagu wareejin doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddiga Anshaxa Baarlamaanka, si loo helo oggolaansho lagaga qaado xasaanadda xildhibaannada kahor inta aan loo gudbin maxkamad.

Dastuurka iyo xeerarka dalka ayaa dhigaya in xildhibaan aan maxkamad la horgeyn karin ilaa xasaanaddiisa laga qaado.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay kordhisay dadaallada lagu xakameynayo kooxaha hubeysan ee beeleed ee loo aaneynayo dilalka iyo weerarrada ka dhacay wadada isku xirta Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne labadii sano ee lasoo dhaafay. Sabtidii, Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno dil iyo xabsi ah ku ridday xubno ka tirsan maleeshiyaad ku lug lahaa weerarradaas.

Haddii Baarlamaanka oggolaado codsiga maxkamadda, waxay noqon doontaa mid ka mid ah kiisaska ugu horreeya ee lagu soo oogayo xildhibaano xil haya oo lagu eedeeyo inay taageereen maleeshiyaad beeleed—tallaabo oo haddii ay dhacdo taariikhi noqon karta, islamarkaana astaan u noqon karta dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM