Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ku xukuntay askari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacadda maanta ah waxay dil toogasho ku xukuntay xubin ka tirsan milatariga waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Dable Cumar Cabduqaadir Nuur Xuseen ayaa waxaa loo heystaa in uu khaarijiyay Jamaal Abuukar Jiinow, oo ka tirsanaa Booliska.

Falka naf-goynta ah ayaa 22-ka bishii Maaj ka dhacay degmada Waaberi markii Jiinow uu isku dayey inuu ka hortago dhac Cumar lagu eedeeyay.

Xeer-ilaalinta oo xukunsanaha ku eedeysay dhac iyo dilka mid kamid ah difaaca dalka ayaa codsatay in garka loo geliyo ciqaab adag.

Qareenadda Cumar oo ku doodey in uu xabadda u riday is-difaac ayaa soo jeediyay in laga qaado magta [diyadda] marxuumka.

Garsooreyaasha ayaa, gabagabadii, waxay dil toogasho u go’aamiyeen Cumar, oo haysta 30-casho oo uu rafcaan kaga qaadan karo.

Maxkamaddan ayaa riday xukuno kala duwan oo dil toogasho ah, kuwaasi oo aanan wali la fulin, balse la sheegayo in ay nidaamka garsoorka ku guda jiraan, maadaama qaarkood rafcaan laga qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM