Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku riday Cabdicasiis Gurbiye
MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Arbacadda maanta ah waxay xukun kasoo saartey kiiska Cabdicasiis Gurbiye, tifaftiraha warbaahinta maxaliga ah ee Goobjoog Media Group.
Garsooreyaasha oo sheegay in wariyaha lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta kaasoo xeerinaya faafinta warar been abuur ah ayaa ku dhawaaqay in lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah.
Inkasta oo uu fursad u haysto in uu iibsado xukunka jeelka, haddana waxaa u wehliya in uu bixiyo aduun dhan Shan Milyan oo Shilin Soomaali taasoo lagu sheegay in ay tahay ganaax lacageed.
Kadib xukunka maxkamadda, ciidamadda oo dhaqan-gelinaya go'aankaas ayaa saxafiga u dhaadhiciyey Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxaana si rasmi ah ugu bilaabatay maalmo uu jeelka ku qaadan doono.
Mr Gurbiye ayaa bishii April waxaa lagu xiray saldhiga degmadda Hodan. Qabashadiisa waxay timid markii uu Facebook ku qoray in madaxweyne Farmaajo "xaday" qalabka neefta siiya bukaanada Covid-19.
Iyaddoo saddex jeer oo xeer-beegtada la horgeeyay, xeer-ilaalinta oo wajaheysa in ay gedaal ka riixeyso Villa Soomaaliya ayaa saddex jeer bedeshay eedeymaha loo haysto wariye Cabdicasiis Gurbiye.
Rafcaan laga qaadanayo xukunka
Madaxtooyadda oo iska fogeysay in ay ku lug-leedahay ayaa balanqaadey in ay faragelin ku sameyn doonto. Farmaajo wuxuu wacad ku maray in la laalo xeerka ciqaabta ee saxaafada lagu dhibaateeyo.
Ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sharci darro ku sifeeyay dacwadda wariyaha, iyagoo sidoo kale ku qeexay isku day lagu caburinayo warbaahinta madaxa-banaan.
Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo war qoraal ah soo saarey ayaa si kulul u cambaareeyay "xariga sharci darrada ah ee lagu riday Wariye Cabdicasiis Gurbiye tafaftiraha Goobjoog".
"Waxaan cadeyneynaa in xukunka maxkamadda Gobalka Banaadir ku riday Wariyaha inuu yahay mid siyaasadeysan iyadoo xeer ilaalinta Saddex jeer badashay Kiiskiisa ayna cadeynin cidda soo dacweysay ilaa hadda," ayaa lagu yiri.
Waxaa la raaciyey: "Maxkamadda ayaa horay uga diiday Cabdicasiis inuu wax qoro Afar Bilood oo banaanka uu ku joogay damiin, waxeyna nagu noqotay lama filaan in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed loo adeegsado kiiska Wariyaha oo aan ka dignay dhowr jeer in maanta Lix bil oo xabsi ah lagu xukumay ma ahan wax la aqbali karo".
"FESOJ waxey xukunka Cabdicasiis Gurbiye ka qaadan doontaa Racfaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.
Tan iyo markii ay timid dowlada Famaajo, sidda ay xustay Amneyst International, war-fidiyeenada Soomaalida waxaa soo wajahay xaaladii ugu xumeyd taariikhda, waxaana hareeyay cabsi-gelin iyo laaluush-siin.
GAROWE ONLINE