Maxkmadda Hargaysa oo amartay sii daynta fanaaniinta la xiray

Image

30 September, 2015(GO)-Maxkamadda magalada Hargeysa ayaa amar ku bixisay in isla maanta la sii daayo fannaaniinta Xidigaha Geeska ee la xiray maalintii Axadda.

Guddoomiyaha Maxkamada Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa sheegay in boliisku ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamadda horkeenaan sabab sharci ah ku aadan xarigga fanaaniinta.

Maxkamadda ayaa tilmaamtay inaysan helin sabab booliisku uga baaqsadeen inay fanaaniinta ku dalbadaan waaran qabasho iyo inay keenaan xogaha lagu soo xiray xadhiga iyo cadaymo faah-faahsan. 

Qoraalka maxkamada waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25aad oo dammaanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantahay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Arrinta xarigga fanaaniintan ayaa ka dambaysa bandhig faneen ay ku qabteen magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM