Maxmakamada ciidamada Muqdisho oo dilal xukuntey

Image

MUQDISHU [Garowe Online]- Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida taasoo fadhigoodu yahay magaalada Muqdishu ayaa maanta 24 August,2014 shan eedeysane oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku xukuntay dil iyo xabsiyo.

Afhayeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) oo warbaahinta uga warbixiyay xukunada  maxkamadu ridey ayaa sheegay in eedeysanayaasha dambiyadooda ka hor qirteen garsoorka hortiisa.

Eedeysanayaashu maxkamadu xukuntay ayaa saddex ka mid ah waxaa loo haystey inay dileen Xidigle Yuusuf Xasan Caddow (Yusuf Taraafiko) oo ka mid ahaa ciidamada ilaalada wadooyinka, kaasoo la dilay bishii Ramadaan.

Magacyada dadka Maxkamada dambiyada kala duwan ku xukuntey ayaa waxaa kamid ahaa: 

1- Daahir Cismaan Cali (Daahir Dayax) "Dil toogasho ah"

2- Asad Maxamuud Cali "Dil toogasho" ah isagoo maqan

3- Maxamed Mahdi Cali "Xabsi daa'in"

Sidoo kale Maxkamada ayaa sii deysay Axmed C/raxmaan Maxamed, kadib markii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay, iyadoo xeer ilaalinta Maxkamadu sheegtay in uusan wax dambi ah gelin, balse arrimo tuhun darteed lagu soo xiray, Maxkamada ayaa waxay xabsi lix bilood ah ku xukuntay sidoo kale Cismaan Cali Maalin.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya taasoo fadhigoodu yahay Muqdishu ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay fulineysay xukuno isugu jira dilal iyo xabsiyo iyadoo hay'daha u dooda xuquuqda aadnaha ku dhaliileen in falalkaan fuliso qaarkood iyadoo cadeymo wanaagsan aan loo hayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM