Meta oo Joojinaysa Hubinta Xaqiiqada si Loogu Soo Noqdo Xorriyadda Hadalka
MUQDISHO, Jan 12 – Shirkadda Meta, oo iska leh barnaamijyada Facebook, Instagram, iyo Threads, ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso barnaamijkeeda hubinta xaqiiqada oo ay u sameeyaan hay’ado saddexaad. Barnaamijkan, oo ahaa mid muhiim ah shirkadda tan iyo 2016, ayaa lagu beddeli doonaa qaab cusub oo la yiraahdo “Community Notes,” oo la mid ah nidaamka cusub ee ay adeegsaneyso shirkadda Elon Musk ee X (horey Twitter).
Meta waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay inay dib ugu noqoto “ballanqaadkeeda aasaasiga ah ee xorriyadda hadalka.” Waxay sidoo kale sheegtay in qaabka cusub uu kor u qaadi doono xorriyadda hadalka iyadoo laga qaadayo xannibaadaha mowduucyada qaar iyo doodaha caanka ah ee bulshada.
Isbeddelka Siyaasadaha Meta
Meta ayaa sidoo kale shaacisay inay beddeli doonto habka ay u fuliso siyaasadeheeda si loo yareeyo khaladaadka badan ee keena cunaqabateynta aan loo baahnayn ee ku dhacda isticmaalayaasha. Shirkaddu waxay qirtay in nidaamyada otomaatiga ah ee ay u adeegsanayeen baarista ku xadgudubyada siyaasadaha ay sababeen in si khaldan loo xannibo waxyaabo badan oo aan wax dhibaato ah lahayn.
Maamulaha guud ee Meta, Mark Zuckerberg, ayaa ku sheegay muuqaal shirkaddu baahisay inay “dib ugu soo noqonayso aasaaskii ay ku dhisantay, iyadoo diiradda la saarayo yareynta khaladaadka, fududeynta siyaasadaha, iyo soo celinta xorriyadda hadalka.”
Hab Siyaasadeed Shaqsi Ku Salaysan
Zuckerberg wuxuu sidoo kale xusay in Meta ay qaadan doonto hab “shaqsiyan u dhisan” oo ku saabsan maareynta mowduucyada siyaasadda, balse wuxuu qiray in isbeddelada cusub yihiin “kuwa faa’iido la socoto .”
“Waxay ka dhigan tahay inaan yareyn doonno waxyaabaha xun ee aan qabanno, laakiin sidoo kale waxaan hoos u dhigi doonnaa tirada dadka aan wax dambi ah lahayn ee qoraalladooda ama akoonnadooda aan si khaldan u xannibno,” ayuu yiri Zuckerberg.
Isbeddel Cusub oo Hoggaanka Meta
Sidoo kale, Meta ayaa lagu wadaa inay qof cusub u magacawdo siyaasadaha caalamiga ah toddobaadyo ka hor inta Madaxweyne Donald Trump uusan si rasmi ah u la wareegin xilka Aqalka Cad. Joel Kaplan, oo hore u ahaa ku-xigeenka madaxa shaqaalaha ee Madaxweyne George W. Bush, ayaa loo magacaabay xilkan. Kaplan, oo xiriir dhow la leh Xisbiga Jamhuuriga, ayaa lagu beddeli doonaa Nick Clegg, oo hore u ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka Britain.
Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo Meta ay dooneyso inay la qabsato isbeddelka siyaasadeed ee Mareykanka, iyadoo xoogga saareysa soo celinta kalsoonida isticmaalayaasha iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.
GAROWE ONLINE