Meydadka askar ka tirsanaa ciidanka Jubaland oo duleedka Kismayo laga helay

Image

December 8, 2014 (GO)- Meydka saddex askari oo kamid ah mileeshiyaadkii Barre Hiiraale ee sanad kahor lagu soo daray ciidamada Maamulka Jubaland ayaa laga helay duleedka magaalada Kismaayo.

Saddexda qof oo midkood haweeney ahayd waxaa meydadkooda oo u muuqdey kuwo maalmo kahor la diley islamarkaana jirkooda rasaasi ka muuqatey laga helay Axadii lasoo dhaafay meel masaafo kiilo mitir ka yar u jirta xerada ay ciidankaasi ku jiraan.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jirey Xaawo Wiilo islamarkaana aad caan uga ahayd gobolada Jubbooyinka waxay laga soo bilaabo sanadkii 1999 kamid ahayd mileeshiyaadka Kol. Hiiraale.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo sababta iyo xilliga askartaas la diley, sidoo kale ma jiro wax war ah oo arintaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka saraakiisha hay'adaha ammaanka ee Jubaland.

Waxaa xusid mudan in goobta fariisinka u ah ciidanka askarta geeriyootey ka tirsanaayeen ay masaafo aan badneyn u jirto madaxtooyada Maamulka Jubaland.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM