Meydadka askar ka tirsanaa ciidanka Jubaland oo duleedka Kismayo laga helay

Image

December 8, 2014 (GO)- Meydka saddex askari oo kamid ah mileeshiyaadkii Barre Hiiraale ee sanad kahor lagu soo daray ciidamada Maamulka Jubaland ayaa laga helay duleedka magaalada Kismaayo.

Saddexda qof oo midkood haweeney ahayd waxaa meydadkooda oo u muuqdey kuwo maalmo kahor la diley islamarkaana jirkooda rasaasi ka muuqatey laga helay Axadii lasoo dhaafay meel masaafo kiilo mitir ka yar u jirta xerada ay ciidankaasi ku jiraan.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jirey Xaawo Wiilo islamarkaana aad caan uga ahayd gobolada Jubbooyinka waxay laga soo bilaabo sanadkii 1999 kamid ahayd mileeshiyaadka Kol. Hiiraale.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo sababta iyo xilliga askartaas la diley, sidoo kale ma jiro wax war ah oo arintaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka saraakiisha hay'adaha ammaanka ee Jubaland.

Waxaa xusid mudan in goobta fariisinka u ah ciidanka askarta geeriyootey ka tirsanaayeen ay masaafo aan badneyn u jirto madaxtooyada Maamulka Jubaland.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM