Meydadka saddex dumar ah oo lagu arkay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Meydadka saddex qof oo dumar ah ayna jirkooda ka muuqdaan rasaas ayaa Axada maanta ah waxaa lagu arkay degmadda Dayniile ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidda ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka degaanka oo xusay in ciidamadda ammaanka aysan wali soo gaarin goobta meydadkan yaalaan ayaa sheegay in aysan wali aqoonsan haweenkan oo warbixino aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay ka tirsan yihiin Waaxda Difaacda.

"Meydadka waxaa lasoo dhigay waaxda Kor-damac agagaarka War-laliska," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Shalay ayay ahayd markii meydad rag lagu arkay degaanadda Ceelasha Biyaha iyo Waaxda Siinka Dheer ee duleedka magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdooyinkan. Xiriiro uu warsidaha GO la sameeyay taliska kama jawaabin dalabyadda.

Dhacdooyinkan oo argagax ku abuuray dadka degaanada lasoo wariyey ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu ku jiro hubanti la'aan dhanka siyaasadda iyo doorashooyinka 20202-1 oo aan wali lagu heshiin qaabka lagu galayo.

Muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhamaadey 8-dii Febraayo iyadda oo aan wali laga heshiin qaabka lagu dooranayo madaxweynaha, waxaana arrintaas ay horseeday firaaq dastuuri ah mana muuqato ifafaalo xal doon ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM