Meydka Danjire Yuusuf Bari-Bari oo berri Garowe lagu aasi doono

Image

March 28, 2015 (GO)- Meydka -AHN- Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Soomaaliya u fadhiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland ayaa berri la keeni doonaa magaalada Garowe si aas qaran loogu sameeyo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warkan u xaqiijiyey Garowe Online, waxaana xilligan madaxtooyada Garowe ka socota qaban qaabo ku aaddan aaska, guddi wasiirro ah ayaana arintan loo saarey.

Yuusuf Bari Bari ayaa muddo dheer soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaasoo March 1, 2008 uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Wuxuu sidoo kale xubin kasoo ahaa ururkii SSDF isagoo mar loo magacaabey af-hayeenka ururka.

Geerida Yuusuf Bari-Bari waxaa ka tacsiyeeyey madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM