Meydka taliyiihii booliska oo Nairobi lagu baarayo iyo dad lasoo xiray

Image

October 31, 2014 (GO)- Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku dhigay ku dhowaad afartan qof oo looga shekisan yahay inay wax ka ogaayeen geerida taliyihii booliska Jen. Maxamed Shiikh Xasan oo shalay si  kedis ah Muqdisho ugu geeriyoodey.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah dhaqaatiir iyo kaal kaaliyeyaal caafimaad oo ka hawlgala isbitaalka Umadda oo ah halka uu taliyuhu ku geeriyoodey. Waxaa sidoo kale lasoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha goob maqaayad ah oo inta badan taliyuhu xiliyada uu firaaqada yahay ka qaxweyn jirey.

Dhanka kale meydka Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa maanta loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo. Kahor intaan meydka Nairobi loo dhoofin waxaa si hordhac ah loogu baaray isbitaalka Digfeer iyo isbitaalka Xalane ee ciidamada AMISOM inkastoo natiijada baaritaankaas kasoo baxday xog dheeraad ah laga haynin.

Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa sheki weyn ka muuiiyey Geerida Jen. Maxamed Xasan oo ahayd mid si kedis ah ku timid kadib markii si lama filaan ah xanuun dhanka wadnaha ahi ugu soo boodey.

Shekiga ugu weyn ee la qabo ayaa ah in taliyaha la sumeeyey dhimashadiisuna ahayd mid aan dabiici ahayn balse in muddo ah la qorsheynayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM