​Mid kamid ah Ergada doorashada Cadaado oo la toogtay iyo Xildhibaano la doortay

Image

CADAADO, Somalia- Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Cadaado, ayaa lagu waramayaa inay dileen mid kamid ah Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose u matalaya Galmudug Barlamanka Federaalka Somalia.

Dilkan ayaa dhacay saaka xilli la filayay in la guda galo doorashada Xubno kamid ah Qoondada maamulkaas uu ka helay Barlamanka Federaalka oo gaaraya 36 kursi.

Waxaa jiray muran badan oo dhaliyay weeraro dhowr jeer lagu soo qaaday xarunta doorashada, kadib markii ay is-qabqabsi dhexmaray beelaha oo farogalin lagu hayo.

Arrintaas ayaa keentay in saaka ciidamada AMISOM furaan tacshiirad uu ku dhintay Ergaygaas oo aan ilaa hadda magaciisa la hayayn.

Iyadoo waxyaabahaas jiraan ayaa laguda galay doorashada Labo kursi oo ay kusoo baxeen; Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow).

Kursiga Kowaad ee Habar Caynte [Murursade], ayuu helay Mustaf Sheekh Cali, kadib markii uu keensaday Axmed Mukhtar Maxamud ahaa nin matala Tartanka, wuxuuna kusoo baxay codad gaaraya 47. Xildhibaanka oo kamid ahaa Barlamanka Waqtigiisu dhammaaday ayaa in kabadan 10 sano ka mid aha mudane katirsan Barlamanka Federaalka Somalia, isagoo mar soo noqday wasiirka warfaafinta.

Dhinaca Kale Xuseen Qaasim Yuusuf(Xuseen Iidow) oo hayb ahaan kasoo jeeda Habar Adinle [Murursade] ayaa isna kusoo baxay doorashada Aqalka hoose, kadib markii uu la tartamay nin maqaar saar u ah oo lagu magacaabo Shire Macallin Gaab.

Mudane Iidoow oo horay usoo noqday Wasiir dowlaha Madaxtooyada Galmudug, ayaa waxaa watay Madaxweynaha maamulkaas Cabdikariin Guuleed oo qorshaas ula dan lahaa Wasiir Cabdiraxmaan Caynte.

Waxaa sidoo kale doorashada kusoo baxay; Bootaan Ciise Caalin (Hogaamiye Kooxeedhore), Xasan Maclin Maxa’ed (Gudoomiyaha Xisbiga Daljir).

9 kursi ayaa qorshu yahay in maanta lagu doorto magaalada Cadaado xarunta Galmudug, waxaase iminka jiray buuq ka imaanaya dhinaca Beelaha oo cabasho ka muujinay Ergooyinka gaar ah oo loo xaraynayo shakhsiyaad gooni ah oo dowladda iyo maamulka Cadaado dabada ka riixayaan.

Wixii kasoo kordha arrimahaas kala soco Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM