​Mid kamid ah Ergadii dooratay Goodax Barre oo la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Oday dhaqameed kamid ah Ergadii Tobaad ka hor magaalada Jowhar ku dooratay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa saaka oo Isniin ah lagu dilay Iridda Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdishu.

Odayga oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Cali ayaa waxaa dilay askari ku sugan Bar-koontarool oo laga galo Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde, sida ay goobjoogiyaal ah u xaiijiyeen Warsidaha GO.

Ninka la dilay, ayaa kamid ahaa 51 Ergo oo ka qeyb-gashay Doorashada Aqalkka hoose ee ka socotay xarunta maamulka Hir-Shabeelle, waxaana uu codkiisa ku doortay Xildhibaan Goodax, wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha DFS.

Lama oga sababta askarigaas u toogtay Odayga, balse wuxuu kusoo beegmay xilli madaarka uu u tagay inuu sagootiyo ruux kamida ah qaraabadiisa, isaguna uu safri lahaa magaalada Baladweyne oo horay uga yimid.

Askarigii dambigaas gaystay, ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana loo gudbiyay xarunta CID-da gobolka Banaadir, halkaas su'aalo lagu weydiinayo.

Dilalka Ergada Doorashada iyo Odayaasha soo xushay ayaa loo sababeeyaa inay Siyaasad ka dambayso, maadaama loolan adag oo dhanka Kuraasta Xildhibaanimo iyo mida Madaxweyne ay dalka ka jiro.

Bishii lasooo dhaafey waxaa magaalada Cadaado lagu dilay Oday kamid ah Ergada Doorashada Aqalka Hoose, waxaana dilkiisa ka dambeeyay ciidamo ilaalo ka ah Xarunta Doorashada Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM