Midowga Musharaxiinta: "Lama aqbali karo muddo kororsi"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in doorashooyinka soo aadan lagu galo hanaan la isla ogol-yahay ayaa ku adkeystay in aysan aqbaleyn muddo kororsi.

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga ahna madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, iyo hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran oo Khamiista maanta ah saxaafadda ugu waramay magaaladda Muqdisho, ayaa ka dhawaajiyey hadalkaas.

Hadalka Shariif ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli wararka laga helayo shirka Dhuusamareeb 4 ay sheegayaan in madaxda shirsan ay isla soo qaadeen muddo kordhin jadwaleysan oo farsamo ah taas oo u dhaxeysa 45 casho illaa 60 casho ee soo aadan.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu caddeeyay in aysan ogolaan karin in ay waddanka hogaamiyaan "shaqsiyaad muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey".

"Laga bilaabo 8-da Febraayo heshiis siyaasadeed waddar ogol ah oo kaliya ayaa looga gudbi karaa xilliga kala guurka siyaasadeed ee dalka," ayaa lagu yiri qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Wadahadaladda ka socda Dhuusamareeb ayay soo jeediyeen in la balaariyo isla markaana ay talooyin ku yeeshaan saamileyda kala duwan sidda musharaxiinta iyo afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, waxay rajeeyeen in wadahadalada ay noqon doonan kuwa miradhal ah isla markaana xal waara looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka heer qaran ee 2020-21 taas oo ay u jirto danta qaranka iyo horumarka dhanka dowladnimadda.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM