Midowga Musharaxiinta: "Lama aqbali karo muddo kororsi"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in doorashooyinka soo aadan lagu galo hanaan la isla ogol-yahay ayaa ku adkeystay in aysan aqbaleyn muddo kororsi.

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga ahna madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, iyo hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran oo Khamiista maanta ah saxaafadda ugu waramay magaaladda Muqdisho, ayaa ka dhawaajiyey hadalkaas.

Hadalka Shariif ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli wararka laga helayo shirka Dhuusamareeb 4 ay sheegayaan in madaxda shirsan ay isla soo qaadeen muddo kordhin jadwaleysan oo farsamo ah taas oo u dhaxeysa 45 casho illaa 60 casho ee soo aadan.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu caddeeyay in aysan ogolaan karin in ay waddanka hogaamiyaan "shaqsiyaad muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey".

"Laga bilaabo 8-da Febraayo heshiis siyaasadeed waddar ogol ah oo kaliya ayaa looga gudbi karaa xilliga kala guurka siyaasadeed ee dalka," ayaa lagu yiri qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Wadahadaladda ka socda Dhuusamareeb ayay soo jeediyeen in la balaariyo isla markaana ay talooyin ku yeeshaan saamileyda kala duwan sidda musharaxiinta iyo afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, waxay rajeeyeen in wadahadalada ay noqon doonan kuwa miradhal ah isla markaana xal waara looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka heer qaran ee 2020-21 taas oo ay u jirto danta qaranka iyo horumarka dhanka dowladnimadda.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM