Midowga Musharaxiinta oo si adag u eedeeyay Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan rasaasta ay ciidamadda dowladda ku fureen banaanbaxii Jimcaha ee ay horkacyeen xubno kamid ah Golaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa falkaas waxaa uu ugu yeeray "gabood-fal uu mas'uuliyadeeda dusha saaranayo madaxweyne Farmaajo".

"Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne waxay si xooggan u cambaareeynayaan gaboodfalkii wuxuushnimada ahaa oo ay dawladda waqtigeedu-dhamaaday si sharci darro ah ku weerartay goob ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta kuna hor-istaagay banaanbax nabadeed oo dastuuri ah oo la qaban lahaa maanta oo ahayd Jimce, bisha February 19keeda kana dhici lahaa magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Ma jiro khasaaro nafeed oo illaa haatan laga soo wariyey rasaastaas oo lagu furay mudaaharaadka oo ay qeyb ka ahaayee Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale.

"Goluhu wuxuu eedda gaboodfalkaas sharci daradda ah dusha ka saarayaa Madaxweynaha-waqtigiisu-dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Waa dambi aad u fool xun in Madaxweyne-hore Farmaajo isticmaalo ciidan isaga ka amar qaata in ay u maquuniyaan shacabka Soomaaliyeed, uguna takri falo awoodda dalka," ayaa la raaciyey bayaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay waddooyinka muhiimka ah ee magaala madaxda Muqdisho kuna daadisay ciidamadda uu Turkiga u tababaray ee Gorgor iyo Haramcad si ay uga hortagaan isu-soo-baxaas lagu dalbanayey doroasho.

"Waxaan shaki ku jirin in fal dambiyeedkaas lagula xisaabtami doono Madaxwene-hore Farmaajo iyo cid kasta oo ku gacan siisay ku tumashada sharciga iyo waxyeeleeynta karaamda, sharafta iyo xorriyada shakhsiga Soomaaliyeed," ayay hoosta ka xariiqeen.

Musharaxiinta ayaa ku daray in ay "horey u aaminsanaayeen haddana u caddaatay in Madaxweyne-hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka ahayn in uu galo doorasho loo siman yahay. Waxay Madaxweyne-hore Farmaajo maaweeliyeyaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in uu awoodda dalka xoog ku haysan karo, sharci darrona ku sii joogi karo".

"Goluhu wuxuu joogteeyn doonaa banaanbaxyada Dastuuriga ah si shacabka ay u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalkaan aysan ka abuurmin diktatooriyad," ayay wacad ku mareen.

Golaha ayaa u arka "madaxweynaha-waqtigiisa-dhamaaday in uu yahay dambiile qaran, uusan sinnaba qeyb uga noqon karin xal u helidda siyaasadda kala guurka ah, loona diido in uu ka qeyb qaato doorashada sida uu qabo Dastuurka-ku-meel-gaarka ee qaranka".

Is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee laga soo gudbay waqtigii loo balansanaa ayaa u muuqanaya mid sii xoogeysanaya isla markaana aysan muuqan ifafaalo ay miiska wadahadalka isugu imaanayaan dhinacyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM