Midowga Yurub oo fariin la xiriirta caburinta saxaafada u diray Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa maanta wuxuu xusuusiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya in wax loo dulqaadan karo aysan ahayn caburinta saxaafada iyo xorriyadda hadalka.

Nicolas Berlanga, ergayga EU-da u jooga Muqdisho, ayaa fariintaas u sheegay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre intii uu socday uu maanta la qaatay wakiiladda saaxiibadda caalamka.

Diblumaasiga u dhashay dalka Spain oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ku garab istaagay wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu ku booriyey in ay ixtiraamto xuquuqda wariyeyaasha iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

"Dhaleeceynta waxay qeyb ka tahay geedi u socodka dimuqraadiyadda," ayuu yiri, isagoo ku daray "xakameynta xorriyadda hadalka ma noqon karto cudur kale oo faafa. Hadii wariyeyaasha ay dayacaan macluumaadka, xabsi iyo xarig ma ahan fursadda banaan".

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay lasoo wariyey dhacdooyin lagu bartilmaameedsaday wariyeyaal kuwaas oo qaarkood la xiray, qaar kalena jirdil bareer ah loo geystay.

Hay'adda Amnesty International ayaa warbixinteeda sanadlaha ee 2020 waxay dowlada Farmaajo ku tilmaamtay "xukuumaddii ugu xumeyd ee soo marta saxaafada madaxa banaan ee Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM