Midowga Yurub oo fariin la xiriirta caburinta saxaafada u diray Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa maanta wuxuu xusuusiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya in wax loo dulqaadan karo aysan ahayn caburinta saxaafada iyo xorriyadda hadalka.

Nicolas Berlanga, ergayga EU-da u jooga Muqdisho, ayaa fariintaas u sheegay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre intii uu socday uu maanta la qaatay wakiiladda saaxiibadda caalamka.

Diblumaasiga u dhashay dalka Spain oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ku garab istaagay wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu ku booriyey in ay ixtiraamto xuquuqda wariyeyaasha iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

"Dhaleeceynta waxay qeyb ka tahay geedi u socodka dimuqraadiyadda," ayuu yiri, isagoo ku daray "xakameynta xorriyadda hadalka ma noqon karto cudur kale oo faafa. Hadii wariyeyaasha ay dayacaan macluumaadka, xabsi iyo xarig ma ahan fursadda banaan".

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay lasoo wariyey dhacdooyin lagu bartilmaameedsaday wariyeyaal kuwaas oo qaarkood la xiray, qaar kalena jirdil bareer ah loo geystay.

Hay'adda Amnesty International ayaa warbixinteeda sanadlaha ee 2020 waxay dowlada Farmaajo ku tilmaamtay "xukuumaddii ugu xumeyd ee soo marta saxaafada madaxa banaan ee Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM