Miinooyin laga keenay Eritrea oo "laga dejiyey" Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa wadda qorshe uu ku beegsanayo saraakiisha iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee kasoo jeeda hal beel, sidda uu manata ka dhawaajiyey Xildhibaan Golaha Shacabka ah.

Hadalka mudanaha ayaa kusoo hagaagaya xilli maanta laba kamid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya lagu qarxiyey degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana dhaawacyo culus kasoo gaarey.

Mahad Maxamed Salaad, mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo qoray in saraakiisha ay u sheegeen isaga in gaarigooda "la far-muuqay".

"Labo Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Qalabka Sida lana soo farmuuqay gaarigii ay saarnaayeen sidda la ii sheegay ayaa saakay lagu qarxiyay deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelada Hoose. Dhaawac culus ayaa soo gaaray ee Allaha u boogo dhayo. Intii ku dhimatana Allaha u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo," ayuu tibaaxay.

Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyada qaraxaas loo adeegsaday miino waxaana ay intaas ku dartay in kolanyada ay beegsatay ay saarnaayeen saraakiil ay tababartay dowladda Mareykanka.

"Sidoo kale waxaa asbuucyo kahor Gaalkacyo lagu xasuuqay Saraakiishii Qaybta 21aad. Kuwana magaalada Muqdisho ayaa guryahooda loogu dhacay si loo dilo, kuwa kalena Farmaajo ayaa waaran u jaray si loo soo xiro. Waana qorshe lagu beegsanayo saraakiil hayb ahaan ka soo jeeda hal beel," ayuu xusay.

Dhanka kale, sharci-dejiyaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in maalmo kahor laga dejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho miinooyinka nooca soo booda isla markaana laga soo dhoofiyey waddanka Eritrea.

"Sidoo kale saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo," ayuu sharaxya.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waxaan ku talinayaa in la isjiro, foojignaan dheeri ahna la muujiyo, si hanbada hartay looga badbaadiyo halaaga MW Farmaajo la maaganyahay!".

Madaxtooyadda Soomaaliya iyo xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaan wali ka jawaabin sheegashadda iyo eedeymaha culus ee Mahad Salaad.

Is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa hadii aan si deg-deg ah loo xalin waxaa laga cabsi qabaa in ay sababaan xasilooni daro taas oo dharbaax ku noqon karta hiigsiga waddanka ee horumar dowladnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM