Miisaaniyada Jubaland ee 2020-21 oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo ay kasoo qeyb galeen Xubnaha golaha oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka koobaad.

Ugu horayn Wasaarada Maaliyada ayaa golaha usoo bandhigtay miisaniyada Sanadka 2020-2021 iyadoo akhrin iyo ka doodis dheer kadib ay golahu ansixiyeen waxaana miisaaniyadu ay dhan tahay 25,032,449,70 taas oo ka kala imanaysa meelo kala duwan.

Waxaa kale oo golahu uu doodii ugu danbaysay ka yeeshay xeerka Cusub ee hormarinta Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah waxaana golahu uu ku ansixiyay cod buuxa.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM