Miisaaniyada wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Boliiska oo la meelmariyay

Image
Kulankan waxaa goobjoog ahaa wasiirro ka socday qaar kamid ah dowlad gobolleedyada dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shir ku saabsanaa horumarinta wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Boliiska (Joint Police Programme - Phase 2, JPP2).

Shirka sidoo kale waxaa ka qeyb galay T/xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cabdalla Cabdalla Waxaana diiradda lagu saaray qorshaha sanadka 2025 iyo miisaaniyadiisa, iyadoo si faahfaahsan looga dooday hirgelinta iyo isku-duwidda barnaamijka.

Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu ansixiyay qorshaha sanadeedka Barnaamijka 2025 miisaaniyaddiisa, taasoo qeyb ka noqonaysa dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo tayeynta Booliska Soomaaliyeed si ay uga jawaabaan baahiyaha amni ee bulshada. Iyada oo ay shirka goobjoog ka ahaayeen Wasiirro ka socday qaar kamid ah dowlad gobolleedyada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM