Milatariga oo guulo ka sheegtay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Ciidanka milatariga ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay beegsiga maleeshiyada argagixisada ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya gaar ahaan unuga sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al Shabaab iyo hubkooda iyaga oo isla goobta ku dilay labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyaadka oo ku sugnaa deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha ururka 5-aad ee guutada ee Danab, ugu yaraan labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay, halka afar kalena nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale ciidanka ayaa Al-Shabaab ka furtay labo qori oo AK47 ah iyo hal gaari oo nooca raaxada ah, halka labo gaari oo kalena ay gubeen, sida uu warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlagalladaas ay ku gubeen fariimo ay la haayeen kooxda Al-Shabaab, waxayna soo bandhigeen qaraxyo ay diyaarisay kooxdu oo la fashiliyey, sidoo kale ragga la qabtay ayaa dadka deegaanadaas ka uruuri jiray xoolaha ay ugu yeeraan sekawaadka.

Deegaanada kala ah Beerxaani, Qudus, Dharkeyn-urur iyo Barjella oo galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ayaa laga fuliyey howlgalladaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Nabad sugidda Jubbaland.

Ciidanka milatariga ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay beegsiga maleeshiyada iyaga oo guulo ka sheegtay dhowr howlgal oo dhacay maalmihii la soo dhaafay.

Jumcihii ayay aheyd markii maleeshiyada laga dilay ku dhawaad 70 askari oo ay ku jiraan saraakiil ajaanib weerar ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku suganyihiin culimada hubaysan ee Suufiyada.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa dooneysa in ay afgambiso dowladda uu caalamku taageero ee Muqdisho, waxaana ay ka taliyaan deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo ay si joogto ah weeraro uga geystaan caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka baxsan sida Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM