Milatariga oo guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ay 12 Al-Shabaab ahaa ku dileen howlgal ay Isniinta maanta ah ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka.

Axmed Xasan Sayid, taliyaha qeybta 143aad ee ciidamadda xoogga waddanka, ayaa wuxuu tilmaamay in dagaalameyaal kale ay ku dhaawacmeen howlgalkaas oo ay ka qaadeen degaanka Bariire.

"Waxaan ogaanay in maleeyshiyaadka ay halkaas joogaan, kadibna howlgal ayaan ku beegsanay annagoo dilnay 12 kamid ahaa," ayuu Sayid u sheegay warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda milariga.

Sidda laga soo xigtay warbixinada, ciidamadda ayaa howlgalkooda kusoo saareen waxyaabo qarxa oo xoogaga ku aaseen halkaas.

Dadka degaanka oo ka gaabsaday in qalabka warbaahinta loo adeegsado magacyadooda ayaa wariyey in ay arkeen meydad, balse aysan kala xaqiijin karin hadii ay ahaayeen Al-Shabaab iyo ciidan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo kasoo baxay dhanka ururka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada iyo Al-Shabaab ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu isku diyaarinayo doorasho nooceeda heshiis siyaasadeed looga gaarey Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM