Milatariga oo guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ay 12 Al-Shabaab ahaa ku dileen howlgal ay Isniinta maanta ah ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka.

Axmed Xasan Sayid, taliyaha qeybta 143aad ee ciidamadda xoogga waddanka, ayaa wuxuu tilmaamay in dagaalameyaal kale ay ku dhaawacmeen howlgalkaas oo ay ka qaadeen degaanka Bariire.

"Waxaan ogaanay in maleeyshiyaadka ay halkaas joogaan, kadibna howlgal ayaan ku beegsanay annagoo dilnay 12 kamid ahaa," ayuu Sayid u sheegay warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda milariga.

Sidda laga soo xigtay warbixinada, ciidamadda ayaa howlgalkooda kusoo saareen waxyaabo qarxa oo xoogaga ku aaseen halkaas.

Dadka degaanka oo ka gaabsaday in qalabka warbaahinta loo adeegsado magacyadooda ayaa wariyey in ay arkeen meydad, balse aysan kala xaqiijin karin hadii ay ahaayeen Al-Shabaab iyo ciidan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo kasoo baxay dhanka ururka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada iyo Al-Shabaab ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu isku diyaarinayo doorasho nooceeda heshiis siyaasadeed looga gaarey Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM