Ciidanka Soomaaliya oo guul ka sheegtay weeraro uga yimid Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ay iska caabiyeen weeraro ay Al-Shabaab ku ekeysay fariisimahooda Ceel-saliini, Bariire iyo Afmadow ee gobolada Shabeellaha iyo Jubada Hoose.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in weerarada ay isugu jireen gaadiid qaraxyo loo adeegsaday iyo kuwa toos ahaa.

Jeneraal Cabdixamiid Dirir, taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay dileen 11 kamid ah dagaalameyaasha soo weeraray.

"Tirro kale oo dhaawacyo ah ayaa jira. Dhagartii ay soo maleegeenna waanu kala jebinay," ayuu u sheegay warbaahinta dowladda federaalka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaas oo kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh goboladaas, waxayna xilliyadda qaarkood ka fulisaa weeraro noocaan ah iyo kuwa teel-teel ah.

Maadaama dunida oo idil ay la halgameyso xakameynta safmarka Coronavirus oo dad badan laayey, tirro kelana ay la il-daran yihiin, Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey xabad-joojin caalami ah si looga hortago Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM