Mileeshiyo beeleed ku dagaallamay duleedka degmada Xarar-dheere

Image

July 19, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyoodey saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed shalay ila xalay saqdii-dhexe ka dhacay deegaano hoos taga demada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhexeeya labo mileeshiyo beeleed oo deegaankaas wada dega, wuxuuna ka bilowday muran ku saabsan lahaanshaha ceel-biyood ku yaalla tuulada Xarar.

Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa saaka u baxay deegaannada lagu dagaallamay, si ay u kala dhex galaan labada mileeshiyo ee halkaas isku hor fadhida loogana gaashaanto in khasaare intaas ka badani dhaco.

Colaadaha ka dhasha daaqa iyo biyaha ayaa ah kuwo inta badan ka dhaca dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ku fiican xoolo daaqsinka ee ay dadka reer-guuraaga ahi ku badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM