Mogadishu oo halis ku jirta iyadoo Al-Shabaab ay dhul horleh la wareegayso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa billowday weeraro ballaaran oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo dib u qabsaday magaalooyin muhiim ah oo muddo dheer laga saaray, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay daabacday xarunta falanqaynta amniga ee The Soufan Center, oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Weerarka ugu dambeeyay ayaa dhacay 20-ka Luulyo, markaas oo Al-Shabaab ay la wareegtay magaalooyinka Sabiid iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, drgaano aan sidaas uga fogeyn magaalada Muqdisho. Tani waxay timid kaddib markii ciidamada Uganda iyo kuwa Dowladda Federaalka ay si lama filaan ah uga baxeen deegaannadaasi, kaddib markii lala beegsadey weerarro ismiidaamin ah oo dhimasho badan sababay, kuwaasoo lagu dilay ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM).

Warbixinta ay soo saartay The Soufan Center ayaa muujisay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe milatari oo ballaaran oo lagu doonayo in Muqdisho lagu go’doomiyo, isla markaana lagu wiiqo awoodda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Weeraradaan ayaa lagu xusay iney daba socdaan isku daygii lagu khaarijin lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Maarso 2025, iyada oo qarax lagula beegsaday gudaha caasimadda.

Tan iyo markii Al-Shabaab ay bilowday duullaanka ay u bixiyeen “Shabelle Offensive” bishii Abriil, waxay si xawli ah ku qabsadeen deegaanno ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, oo ay kamid yihiin Moqokori, Tardo iyo Gumare. Sida ay wararku sheegayaan, la wareegidda magaalooyinkaas ayaa dhacday iyada oo aysan wax iska caabin ah kala kulmin ciidamadii dowladda iyo maleeshiyaadkii deegaanka.

Kooxda ayaa la arkayay iyagoo si furan ula falgalaya shacabka, isla markaana dhisanaya baro kontorool, taasoo muujinaysa dadaal cad oo ay ku doonayaan in dib u soo celiyaan maamulka iyo canshuur ururin cusub.

Al-Shabaab hadda waxay gacanta ku hayaan saddex-xagal istiraatiiji ah oo ay ku jiraan Moqokori, Tardo, iyo Buq-Aqable, taas oo khatar ku ah marinada sahayda u mareysa magaalooyin muhiim ah sida Bulobarde iyo Jalalaqsi, kuwaas oo ay difaacaan ciidamada Djibouti ee qeybta ka ah AUSSOM.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa qaaday weerarro kooban. Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 13-kii Luulyo ay fulisay duqeyn ka dhacday degaanka Bulo Hog, oo lagu dilay toddobo xubnood oo Al-Shabaab ah, hase yeeshee fal-celintan ayaa u muuqata mid aan wax saameyn ah ku yeelan dagaalka guud.

Dhinaca kale, Mareykanka oo ah lammaane muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya, ayaa sanadkan xoogga saaray weerarrada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Cal Miskaad ee Puntland. Sida laga helayo xogta ACLED, in ka badan 30 weerar ayaa la fuliyay halkaas, iyada oo ay aad uga yar yihiin kuwa lagula beegsaday Al-Shabaab, taas oo muujinaysa khatar ka dhalan karta isbeddelkaas istiraatiijiga ah.

Xaaladdan cakiran ayaa kusoo beegantay iyadoo siyaasadda gudaha Soomaaliya si xowli ah loogu kala fogaanayo. Shirkii wadatashiga Qaran ee dhacay bishii Maajo ayaa waxaa si cad uga baaqday Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo cabasho xooggan ka muujiyay habka Villa Soomaaliya u wajahday arimaha  federaalka iyo Dastuurka. Sidoo kale, aqoonsiga SSC-Khaatumo oo dhacay iyada oo aan laga yeelan wax wada-tashi ah oo heer qaran ah, ayaa sii xoojiyay kala shaki siyaasadeed oo horay u jiray.

The Soufan Center waxay uga digeen dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda caalamiga ah in haddii aan dib loo habeyn istaraatiijiyadda amniga dalka, Al-Shabaab ay sii wadi doonto dib u dhiska awooddeeda, taas oo khatar ku ah jiritaanka dowladda dhexe.


Garowe Online ayaa warbixintaan ka soo xigatay warbixin ay daabacday The Soufan Center, xarun madax-bannaan oo falanqaysa arimaha siyaasadda dibadda iyo amniga.

Related Articles

Saddex qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Beled Xaawo

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal magaalada Balad-Xaawo.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:35AM

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo magacaabayo Taliyaha Ciidanka - XOG

Garowe Online ayaa si dhow ula socon doona isbedellada ku saabsan magacaabistan suurtagalka ah,waana soo gudbin doontaa wixii soo kordha.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 07:02AM