Mooshin laga diyaariyey sharci la filayo in uu qalinka ku duugo Farmaajo

Image

LONDON, UK – Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka waddanka Ingiriiska ayaa waxay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo ay meelmariyeen labada aqal ee xeer-dejinta dalka.

Golaha Shacabka ayaa wax ka bedelka hindise sharciyeedkan wuxuu ansixiyey 8-da bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii.

Aqalka Sarre oo dood adag ka yeeshay xeerka kahor inta uusan marin ayaa cod wadar ogol ah ku aqbalay 14-kii Janaayo, 2020.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu haatan horyaalaa, kaasoo la filayo in uu saxiixo si loogu soo saaro faafinta rasmiga ah.

Liz Saville Roberts, oo hogaaminaya xubnaha soo jeedinta miiska saarey ayaa ku doodaya in sharciga uu yahay mid ay ku jiraan qodobo liddi ku ah xorriyadda uu qofka u leeyahay in uu hadlo.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu xusay in uu siinayo awood ay ku farageliso shaqada wariyaha iyo warbaahinta madaxa banaan, taasoo "baalmarsan xeerarka dunida".

Balse wuxuu soo dhaweeyay in xeerka uu wax badan ka qabanayo faafinta wararka been abuurka, naceybka, dhiiragelnta qabyaaladda iyo ku tumashada dhaqanka Soomaaliyeed.

Hogaamiyaha dalka ayuu ku booriyey in uu dib kaga fekero in uu saxiixo sharciga isla markaana uu xaqiijiyo in uu waafaqsan yahay dastuurka iyo shuruucda caalamka.

Ururada Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa mar sii horeysay dalbaday in aan la ansixin sharciga oo ay tilmaamay "in uu caqabad ku yahay shaqadda warbaahinta madaxa banaan".

Sidda ay shaacisay Amnesty, dowladda madaxweyne Farmaajo oo ku sifowday laaluush bixin iyo cabsi gelin ayaa noqotay xukuumadii ugu xumeyd ee soo marta saxaafada madaxa banaan ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM