​Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Image

CADAADO, Somalia- Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa Mooshin Kalsooni kala-laabasho ah ka keenay Gudoomiyahooda Cali Gacal Casir.

Wararka Warsidaha GO ka helayo magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in 34 Xildhibaan ay soo gudbiyeen Mooshinka, kuwaasi oo doonaya inuu Xilka iska-casilo Gudoomiye Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Xil-gudasho la'aan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, oo Shir Jaraa'id ku qabtay Cadaado, ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku jiraan Fasax ilaa 01/01/2017, sidaasi darteedna aysan ka keeni karin wax Mooshin ah.

Cali Gacal Casir ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Bishii June, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM