​Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Image

CADAADO, Somalia- Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa Mooshin Kalsooni kala-laabasho ah ka keenay Gudoomiyahooda Cali Gacal Casir.

Wararka Warsidaha GO ka helayo magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in 34 Xildhibaan ay soo gudbiyeen Mooshinka, kuwaasi oo doonaya inuu Xilka iska-casilo Gudoomiye Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Xil-gudasho la'aan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, oo Shir Jaraa'id ku qabtay Cadaado, ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku jiraan Fasax ilaa 01/01/2017, sidaasi darteedna aysan ka keeni karin wax Mooshin ah.

Cali Gacal Casir ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Bishii June, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM