Mooshin lagu difacayo Xasan Sheekh oo la gudbiyay

Image

1 September, 2015 (GO)-Xildhibaano ka tirsan barlamanka Somalia ayaa maanta guddoonka u gudbiyay mooshin lagu difaacayo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Mooshinkan ayaa Waxaa Saxiixay 125 xildhibaan, kuwaasoo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha Somalia, ayna kasoo horjeedaan eedeymaha laga gudbiyay.

Xildhibanada taagersan madaxweynaha ayaa shegaya in xilligan aan loo baahnayn mooshin ka dhan ah madaxweynaha, waxayna ku tilmaameen in arintaasi loogu tala galay in lagu curyaamiyo hawla jira.

Wararka laga helayo barlamanka aya sheegaya in qaar ka mid ah xildhibanadii horey uga soo horjeeday madaxweynaha ay ka laabteen moshinkii hore.

12 Augusto ayay ahayd markii la soo gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo lagu tilmaamay inuu ku fashilmay hogaaminta dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM