Mooshinka oo beri loo balansan yahay iyo dhinacyada oo abaabul wada

Image

December 1, 2014 (GO)- Xilli maalinta berri ah la filayo in Baarlamaanka Federaalka la horkeeno mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa waxaa socda diyaar garow xooggan oo dhinacyada iska soo horjeedaa wadaan iyo weliba loollan adag oo loogu jiro sidii xildhibaanada loo kala jiidan lahaa.

Kulammo gaar gaar ah ayaa 48dii saac ee lasoo dhaafay ka soconayey madaxtooyada, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo weliba qaar kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho, kulamadaas oo dhinac walba ugu gogol xaarayo sidii uu guul uga soo hoyi lahaa mooshinka muranka dhaliyey islamarkaana mudada dheer soo jiitamayey.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya inay aad isugu dhowdahay tirada xildhibaanada mooshinka soo gudbiyey iyo kuwa diidan iyadoo ay xusid mudan tahay in xildhibaano toban ka badan kusoo biireen dhinaca xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo ku jira garabka xildhibaanada taageersan Ra'iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey codka loo qaadi doono mooshinka isagoo sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan inay ka guulsanayaan dhanka kale.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa dhowr mar oo hore  buuq iyo fawdo kusoo dhamaaday kadib markii qaar badan oo xildhibaanada kamid ahi diideen mooshinka oo sida ay ku doodayeen ah mid sharci darro ah baarlamaanka dibadiisana laga soo abaabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM