Mooshinka oo beri loo balansan yahay iyo dhinacyada oo abaabul wada

Image

December 1, 2014 (GO)- Xilli maalinta berri ah la filayo in Baarlamaanka Federaalka la horkeeno mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa waxaa socda diyaar garow xooggan oo dhinacyada iska soo horjeedaa wadaan iyo weliba loollan adag oo loogu jiro sidii xildhibaanada loo kala jiidan lahaa.

Kulammo gaar gaar ah ayaa 48dii saac ee lasoo dhaafay ka soconayey madaxtooyada, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo weliba qaar kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho, kulamadaas oo dhinac walba ugu gogol xaarayo sidii uu guul uga soo hoyi lahaa mooshinka muranka dhaliyey islamarkaana mudada dheer soo jiitamayey.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya inay aad isugu dhowdahay tirada xildhibaanada mooshinka soo gudbiyey iyo kuwa diidan iyadoo ay xusid mudan tahay in xildhibaano toban ka badan kusoo biireen dhinaca xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo ku jira garabka xildhibaanada taageersan Ra'iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey codka loo qaadi doono mooshinka isagoo sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan inay ka guulsanayaan dhanka kale.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa dhowr mar oo hore  buuq iyo fawdo kusoo dhamaaday kadib markii qaar badan oo xildhibaanada kamid ahi diideen mooshinka oo sida ay ku doodayeen ah mid sharci darro ah baarlamaanka dibadiisana laga soo abaabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM