Mucaaradka oo Ku Dhawaaqay Bannaanbax Kale oo Ka Dhacaya Muqdisho 16-ka May
MUQDISHO – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ah dalladda ugu weyn mucaaradka Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay qaban doonto bannaanbax kale oo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya 16-ka May, iyadoo ku eedeysay dowladda inay carqaladeysay dibadbax hore isla markaana adeegsatay ciidamada ammaanka si loo caburiyo dadka ka aragti duwan.
Bayaan kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in mucaaradku sii wadi doonaan waxa ay ugu yeereen “halgan nabadeed” oo looga soo horjeedo barakicin khasab ah, boob dhuleed iyo ku takrifal awoodeed oo ay sheegeen inay ku kacayso dowladda federaalka.
Madashu waxay sheegtay in bannaanbaxii la qorsheeyay Isniintii uu ahaa mid dastuurka waafaqsan, isla markaana hay’adaha ammaanka si rasmi ah loogu wargeliyay goobta iyo waqtiga uu dhacayo si loo sugo amniga iyo isu socodka shacabka.
Sida lagu sheegay bayaanka, dowladda ayaa markii hore dalbatay in dibadbaxa lagu qabto garoonka Injineer Yariisow Ex-Koonis, iyadoo mucaaradkuna ay aqbaleen goobtaasi si looga fogaado qalalaase amni.
Hase yeeshee, mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay markii dambe ciidamo milatari, booliis iyo nabadsugid ku daadisay qeybo badan oo Muqdisho ah, islamarkaana la xiray waddooyin muhiim ah, lana xaddiday dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.
Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay saameeyeen nolol maalmeedka magaalada, oo ay ku jiraan gaadiidka, iskuullada, ganacsiyada iyo adeegyada kale ee bulshada.
Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ciidamada ammaanka inay rasaas ku fureen dibadbaxayaal ku sugnaa degmada Dayniile, taas oo ay sheegeen inuu ku dhintay hal qof halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Madashu waxay tacsi u dirtay qoyska qofka dhintay waxayna dalbatay baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo dhacdadaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha cusub ee mucaaradka.
Madashu waxay sidoo kale ugu baaqday dowladda inay sii deyso dhalinyarada iyo dadka kale ee loo xiray bannaanbaxyada, islamarkaana la joojiyo waxa ay ku tilmaantay cabsi gelinta siyaasiyiinta mucaaradka, saxafiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah.
Bannaanbaxa cusub ee la qorsheeyay 16-ka May ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo mucaaradka, gaar ahaan muranka la xiriira duminta guryaha, barakicinta iyo lahaanshaha dhulalka Muqdisho.
Kooxaha mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeya inay dadka ka saarayso dhulkooda iyada oo aan loo marin hannaan sharci ah ama aan la siin magdhow ku filan, halka maamulka Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ay difaacayaan qaar ka mid ah howlaha burburinta iyagoo ku tilmaamay kuwo lagu soo celinayo dhulka danta guud, lagu hagaajinayo qorsheynta magaalada laguna ilaalinayo nidaamka caasimadda.
GAROWE ONLINE