Mucaaradka oo Shir Siyaasadeed uga Furmay Magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubno ka tirsan mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa maanta shir ballaaran uga furay magaalada Muqdisho, iyagoo si qoto dheer uga arrinsanaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hanaanka doorashooyinka la filayo dhammaadka xilliga madaxweynaha ee bisha May 2026.

Shirka oo ka dhacaya caasimadda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin miisaan leh oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, guddoomiyayaal hore oo Baarlamaan iyo xildhibaanno hadda jooga Golaha Shacabka. Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah in cadaadis siyaasadeed lagu saaro Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u xaqiijiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda, mid daahfuran oo loo dhan yahay.

Madaxweynihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid lagama maarmaan u ah danta dalka, wuxuuna xalay kulan gaar ah la yeeshay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaano dhowr ah, si ay uga tashadaan xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in shirka ay kasoo muuqdaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Xasan Cali Kheyre, Cabdi Faarax Shirdoon, iyo siyaasiyiin kale oo waaweyn.

Shirkan ayaa imanaya xilli xiisad siyaasadeed ay mar kale cirka isku shareertay, iyadoo mucaaradku ay dalbanayaan in la helo hannaan doorasho oo cad, si looga fogaado muranno siyaasadeed oo dib u dhigi kara geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM