Muddo kordhin loo sameeyay howlgalka AMISOM

Image

NEW YORK, USA – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Khamiista todobaadkii hore wuxuu muddo kordhin u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaasoo la aas-aasay sanadka markii uu ahaa 2007-dii.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska UK ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, dhamaan wadamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka waxay u coddeeyeen in mudo xileed cusub la siiyo howlgalkaas.

"Howlgalka Qaramada Midoobay hoos-yimaada ee Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaan nidaam ay Soomaaliya leedahay oo ay ku sugeyso ammaankeeda kuna horumareyso," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

AISOM oo ka kooban 20-kun askari dhulka ah ayaa badankooda waxay kasoo kala jeedaan wadamadda Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Djibouti.

Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone ayaa ah lix dal kale oo ku tabarucay ciidamadda booliska ee taliska nabad-ilaalinta qeybta ka ah.

AMISOM oo dowladda Soomaliya ka taageera ciribtirka Al-Shabaab ayaa muddo xileedkiisa uu dhamaanayey sanadkan waxaana qorshuhu ahaa in mas'uuliyada la wareegaan ciidan Soomaali ah taas oo muuqata in aysan dhici karin.

Xilli howlgalkan uu in ka badan tobban sano ka jiro Soomaaliya, haddana guulaha la taaban karo ee ay kasoo hooyeen la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah ayaa u muuqaneysa mid gaabis ah taasoo guux ka dhalisay gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM