Mudo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo dhamaaday iyo Xildhibaano is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 14-ka Abriil, 2026, si rasmi ah u dhammaaday muddo xileedka afarta sano ahaa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare), iyadoo dalku uu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed ah.

Inkastoo uu dhammaaday waqtigii sharciga ahaa, Guddoomiyaha Gollaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa dhowaan ku dhawaaqay in baarlamaanku uu hal sano oo muddo kordhin ah samaystay. Go’aankan ayaa salka ku haya qorshaha dowladda federaalka ay ku doonayso inay dalka kaga hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, taas la isku khilaafsan yahay.

Saacadihii la soo dhaafay, waxaa soo baxay xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka oo ku dhawaaqay inay iska casileen xilkii ay hayeen. Xildhibaanadan ayaa ku dooday inaysan qayb ka noqon doonin "muddo kordhin sharci darro ah," iyagoo sheegay in maanta ay ku egtahay mas’uuliyaddii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed.

"Maadaama uu dhammaaday waqtigii nala doortay, waxaan go’aansaday inaan dhowro sharciga iyo dastuurka, dibna ugu soo laabto shacabkayga. Ma rabo inaan kursi ku fariisto muddo kordhin aan heshiis lagu ahayn," ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada is-casilay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna uga hartay mudo-xileedkiisa 31 maalin, iyadoo aan muuqan dadaallo uu wado oo doorasho ku qabanayo bisha May 15, 2026.

Xaaladdan ayaa ku soo aadaysa xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo horay u qaadacay isbeddellada dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ku adkaysanaysa in muddo kordhintu ay tahay mid dastuuri ah, laguna dhammaystirayo hannaanka doorashooyinka qaranka ee sanadka 2027-ka. Si kastaba ha ahaatee, is-casilaadda xildhibaanada iyo dhammaadka muddada sharciga ah ayaa cadaadis cusub ku abuuraya hoggaanka sare ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM