Muhaajiriin Somalia ku jirto oo lagu qabtay Masar

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Wararka aan ka helayno dalka Masar ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dalkaasi gacanta ku dhigeen in ka badan 20 qof oo 11 ka mid ah Somali yihiin, kuwaasi si sharci daro ah ku soo galay dalkaasi.

Wargayska Al-Yoom ee k asoo baxa Masar ayaa shaaciyay in dadkaasi gacanta lagu dhigay xilli ka soo dagteen Tareen, waxaana ciidama amnigu tilmaameen inay doonayeen qaabkii doonyo sharci daro ah uga raaci lahaayeen qaybo ka mid ah waddankaasi.

Afhayeenka Milatariga dalkaasi  Maxamed Samir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen in ka badan 2,215 qof muhaajiriin ah illaa bishii September.

Arbacadii hore  72 Soomaali ah oo ay weheliyaan ajaanib kale, ayaa la  qabtay ka hor inta aysan doonni ka raacin magaalada Kafrel-Sheikh ee dalka Masar, kuwaasoo ku sii jeeday Talyaaniga.

Masar ayaa mudadan dambe noqotay marin ay ka tallaabaan tahriibayaasha doonaya inay galaan wadamada Yurub, balse dowladda ayaa bilowday hawgallo lagu beegsanayo dadka sida sharcida darada ah ku soo gala waddankeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM