Mukhtaar Roobow oo ka dagay Xudur [qorshihiisa cusub]

Image
Image

XUDUR, Bakool - Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur" ayaa saaka ka dagay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, isagoo kasoo duulay magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe uu ku sugnaa.

Diyaarad gaar ah oo kasoo qaadey Caasimadda ayuu Mukhtaar Roobow ku tagey magaalada uu kasoo jeedo ee Xudur, halkaais oo ay kusoo dhaweeyeen Mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Roobow oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka bishii August ayaa lagu soo waramayaa inuu wado qorshoo cusub oo qeyb ka ah Gulufka colaadeed ee dowladda ku qaadayso Al Shabaab, Kooxdii uu horey uga soo goostay.

Sarkaal katirsan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay socdaalka Roobow ee magaalada Xudur, oo uu sheegay in si aad ah loogu soo dhaweeyay, islamarkaana la filaya inuu la kulmo Madaxda maamula gobolka Bakool.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo xubo kale ayaa ku wehliya Roobow safarkiisa Xudur.

Mukhtaar Roobow ayaa Al Shabaab kula dagaalamay mudo sanado ah deegaanka Abaal oo ku dhaw Xudur, kahor inta uusan isku soo dhiibin ciidamada dowladda, loona soo gudbin magaalada Muqdisho oo uu uga dhawaaqay inuu ka baxay Al Shabaab.

Waxaa la filayaa in Roobow uu gaaro Abaal, oo ay ku sugan yihiin malleeshiyaad isaga taabacsan, kuwaasi oo la qorsheynayo in lagu soo daro ciidamada dowladda Federaalka kahor inta uusan billaaban howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM