Mulkiile UN-ka gaarigiis la xiriiriyey qarax oo hadlay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciise Xaaji Cabdulle oo sheegtay in uu yahay ganacsade ayaa ku eedeeyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ay ka been-abuurteen gaari uu shaqsi ahaan isagau leeyahay kuna sifeeyeen in uu la qorsheynayo in loo adeegsado qarax is-miidaamin.

Cabdulle oo kasoo muuqdey warbaahinta la iska argo ayaa xusay in baabuurkiis oo taarikadiisu tahay AH 2737 uu isagu leeyahay isla markaana uu u soo iibsaday in uu ku daabulo dalagada beer uu leeyahay taasoo la fahansan yahay in ay ku taalo gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaariga uu Cabdulle leeyahay waa Surf kaasoo xataa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ay faafisay sawiraddiisa.

"Mar kala ayay been sheegayaan qolada UN-ka ee Xalane joogta. Horey waxaa ii bari-yeelay ciidamadda sirdoonka oo ii yeeray isla markaana hubiyey baabuurkeyga iyo aniga kana waayay wax qarax ah," ayuu Cabdulle ku daray, isaga oo saxafaada kula hadlaya gurigiisa.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Cabdulle oo tilmaamay in garigiisa iyo isaga lagu baaray gudaha xarunta dambi baarista CIA-da ayaa sheegay in warbixinta UN-ka ay khatar gelisay nafsadiisa iyo hantidiisa.

Geesta kale, Cismaan Caraale Jeyte oo tibaaxay in uu yahay nabadoonka ganacsatadaha, ayaa ugu baaqay xafiiska UNSOM in uu ka laabto warbixintaas isla markaana uu cudurdaar furan ka bixiyo.

"Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in warbixinadda kasoo baxaya ay been u yihiin sidda ay ugu been abuurteen ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle, waana in ay raaligelin ka bixiyaan," ayuu tibaaxay.

Todobaadyaddii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshadda hareeyay qoraalo la sheegay in ay kasoo baxeen hay’addaha amniga ee fadhigoodu yahay xerada Xalana ee Muqdisho kuwaas oo tilmaamaye in caasimaddu ka dhici karaan weeraro ay Al-Shabaab u adeegsato qaraxyo.

Cumar Filish, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo kasoo muuqdey shir jaraa'id oo wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta, ayaa sheegay in 20 qof oo gurigiisa ku nool 16 kamid ah uu ku dhacay Covid-19. "Aniga hadda waxaan kamid ah dadka kasoo bogsanaya," ayuu ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM