Muqdisho: Al-shabaab oo weerartay saldhig ciidan

Image

June 21, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa saaka weerartay xarun lagu tababaro ciidamada nabad-sugidda Dowladda Federaalka oo ku taallla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax weyn oo loo adeegsaday gaari miineysan, waxaana intaas kadib bilaabatay is-rasaaseyn.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa qoreysa in xubno Al-shabaab ka tirsani ku guuleysteen inay dhismahaaas gudaha u galaan, welina dhexdiisa ka dagaallamayaan.

Dhanka kale, warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa baahisey in ciidamada amnigu fashiliyeen -wax lagu tilmaamay- weerar ay soo qaadeen mileeshiyad naf-la-caari ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Wariye madax bannaan oo Muqdisho ku sugan ayaa Garowe Online u sheegay in weli is-rasaaseyntu socoto.

Ilaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha weerarka iyo weliba qaabka weerarkaasi u dhacay.


Al-shabab oo kordhisey weerarrada:

Al-shabaab ayaa sanad walba marka lasoo gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxay kordhisaa weerarrada ay ku qaadeyso xarumaha dowladda iyo dilalka qorsheysan ee lala begsado mas'uuliyiinta.

June 18, 2015 oo ku beegnayd kowda bisha Ramadaan, koox Al-shabaab ah ayaa weerar qorsheysan kusoo qaadey hoyga ay magaalada Cadaado ka deggen yihiin ergooyinka ka qayb gelaya shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, inkastoo ciidamada amnigu ku guuleysteeen inay weerarkaas fashiliyaan.

June 19, 2015, Al-shabaab waxay soo weerartay saldhig ciidan oo ku yaalla degmda Af-gooye, halkaasoo ay dileen ku dhowaad labaatan askari, gaadiid dhowr ahna kula wareegeen. June 20, 2015 Al-shabaab waxay jidka u gashay ciidamo gurmad ah oo kuso wajahana Af-gooye.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarka saaka ka dhacay degmada Shibis, dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM