Muqdisho: badmaaxiin ku afduubnaa gobolada dhexe oo lasii daayey

Image

October 30, 2014 (GO)- La-haystayaal u dhashay dalka India oo muddo afar sano ah afduub loogu haystey deegaano ka tirsan gobolada dhexe ayaa dib xoriyadooda u helay shalay oo Talaado ahayd.

La haystayaasha oo tiradoodu todoba qof tahay dhammaantoodna badmaaxiin ahaa waxaa maanta lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho kadib markii ay goor hore oo saaka ah kasoo duleen degmada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galguduud.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa sheegay in diyaaradda dadkaas soo qaaday magaalada Muqdisho laga diray islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan loogu dhoofin doono dalkooda hooyo.

Sii deynta badmaaxiinta Hindida ah waxaa kaalin weyn ka qaatay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Galguduud, lamana oga ilaa iyo hada in kooxdii burcad-badeedka ahayd ee dadkaasi u qafaalnaayeen la siiyey madax furasho iyo in kale.

Weeraradii burcad-badeedka Soomaalidu ku qaadi jireen maraakiibta maraya Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa si aad ah hoos ugu dhacay labadii sano ee ugu dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:51AM

Masar oo caqabado kala kulmaysa Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:18AM