Muqdisho: booliska oo sameeyey hawlgal dad badan lagu soo xirxirey

Image
Image
Image

May 20, 2015 (GO)- Ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa hawlgal dad badan lagu soo qabtey maanta ka sameeyey degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka warshaddii hore ee baastada.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkani bilowdey kadib markii laamaha amnigu heleen xog sheegaysa inay halkaas ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

"howlgalka waxaa iska kaashanaya ciidamada booliiska, nabad-sugidda, millateriga Somalia iyo kuwa AMISOM...waxan ku raad joogney xubno ka tirsan Al-shabaab...dadka la qabtey afar qof oo la xaqiijiyey inay Al-shabaab yihiin ayaa laga reebay inta kale waa la sii daayey" sidaas waxaa yirir af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Cismaan.

Ma ahan markii ugu horreysey ee hawlgal caynkan ah laga sameeyo magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xilliyada qaar dadka ciidamadu qabtaan lasii daayo kaddib marka laga qaato lacago madax furasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM