Muqdisho: buuq ka socda hoolka Baarlamaanka Federaalka
November 24, 2014 (GO)- Fadhigii Baarlamaanka Federaalka ee maanta oo ajendeyaashiisa ugu muhiimsan yahay mooshinka laga keenay xukuumadda ayaa u muuqda mar saddexaad inuu baaqdey.
Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyey hoolka iyadoo labada dhinac ee xildibaanadu ereyo kulul is dhaafsanayaan islamarkaana midba midka kale ku eedeynayo in uu shuruucda dalka ku tuntey.
Ila wareedyo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa GO u xaqiijiyey in la jeex jeexay waraaqihii ajendaha kulanku ku qornaa iyo weliba liiskii xaadirinta xiliganna buuq iyo sawaxan badani ka yeerayo xarunta baarlamaanka.
Wararka kale ayaa sheegaya in saxaafada laga saarey hoolka shirarka iyadoo ciidamo badan gudaha Barlamanka ku sugan yihiin.
Gudoomiye Jawaari ayaan weli soo gaarin xarunta baarlamaanka iyadoo qorshuhu ahaa inuu yimaado marka saacadda geeska Afrikada bari tahay 9:00 subaxnimo.
Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...
GAROWE ONLINE