Muqdisho: Cidamada nabad-sugidda oo qabtay hub iyo dad laga shekiyey

Image
Image
Image
Image

November 5, 2014 (GO)- Ciidamada Nabd Sugida ee Dowlada Federaalka ayaa maanta hawgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyey qaybo kamid ah magaalada Muqdisho. 

Hawgalladan oo qayb ka ahaa kuwo maalmihii ugu dambeeyey ka socdey qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaa lagu soo qabtay ku dhowaad labaatan qof oo looga shekiyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab, hub iyo maandooriye xashiish iyo khamri isugu jira.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howgallada caynkan ahi sii socon doonaan ujeedada laga leeyahayna tahay in ammaanka si buuxda loo sugo gacantana lagu soo dhigo kuwa geysta falalka nabadgelya lidka ku ah. 

Hawlgalladii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho ciidamada Nabad Sugidda Dowlada Federaalku ka sameeyeen waxaa lagu soo qabtay in ka badan 80 qof oo 20 kamid ah laxaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab. 

Waxaa sidoo kale hawlgalladaas lagula wareegey labo garaash oo lagu diyaarin jirey gawaarida loo adeegsado qaraxyada, dhowr kiilo oo walxaha qarxa ah, tobannaan qori iyo rasaas fara badan. 

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa bilihii u dambeeyey soo xumaanayey, waxaana xusid mudan in todobaadkan oo qura magaalada Muqdisho lagu diley 7 qof oo isugu jirey dad rayid iyo saraakiil ka tirsanaa dowladda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM