Muqdisho: dab khasaare maaliyadeed geystey oo gubey kaalin shidaal

Image

February 23, 2015 (GO)- Khasaare maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay dab maanta ka kacey goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla isgoyska Black Sea oo ka tirsan degmada Hawl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo baabi'iyey shidaal gaaraya ku dhowaad afar kun oo fuusto waxaa sababey shoor ka dhashay matoor dab-dhaliye ah (Generator).

Ciidamada dabdemiska oo kaashanaya boqollaal dadweyne ah ayaa ku guuleystey inay dabkaas xakameeyaan, waxaana dabka si buuxda loo demiyey saddex saac kaddib markii uu bilowday.

Dhanka kale, qaar kamid ha ganacsatada shidaalka ayaa sheegay in goobahooda ganacsiga la boobey muddadii uu dabku socdey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee dab ka kaco kaalin shidaal oo ku taalla isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM