Muqdisho: dabley hubeysan oo dad ku dishey isgoyska KM4

Image

February 16, 2015 (GO)- Dabley hubeysan ayaa galabta afar qof ku dishey labo kalena ku dhaawacdey isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dadka weerarka lagu bartilmaameedsaday oo dhamaantood ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxay la socdeen hal gaari oo yar.

Afarta qof ee la diley  ayaa kala ahaa:  maareeye ku-xigeenkii garoonka Aadan Cadde, agaasime ku-xigeenkii waaxda saadaasha hawada, iyo labo nin oo kale kuwaasoo midkood injineer ahaa midka kalena ahaa dareewalkii gaariga.

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab oo horay Muqdisho uga fulisey weeraro caynkan oo kale ah kuwaasoo qaar kamid ah lagu diley mas'uuliyiin dowlada ka tirsanaa oo badankoodu xildhibaano iyo saraakiil laamaha ammaanka ka hawlgelayey ahaayeen.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, wuxuuna weerarka maanta isgoyska KM4 ka dhacay kusoo adaayaa maalin kadib markii mas'uul ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta lagu diley degmada Dharkeynley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM