Gaari ay leedahay shirkad Turki ah oo la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, ruux kalana wuu ku dhaawacmay qarax Arbacada maanta ah ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarka oo ahaa miino ayaa lala eegtay gaari la sheegay in ay leedahay shirkadda fadhigeedu yahay waddanka Turkiga ee ku howlan dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil amni oo telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in gaariga ay saarnaayeen shaqaalo Soomaali ah oo la socday baabuurka isla markaana waxyeelada ay ayaga qeyb ka yihiin.

Balse, saraakiisha ayaa ka gaabsaday in ay kala caddeeyaan hadii qofka dhintay iyo ruuxa dhaawaca ah ay saarnaayeen gaariga.

"Gaariga waxay miinada la kacdey isaga oo maraya nawaaxiga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed," ayuu yiri goobjooge u waramay Garowe Online. "Gaariga waxaa soo gaarey burbur xooggan".

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, balse waxaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay Al-Shabaab.

Dilalka qorsheysan iyo qaraxyadda miinooyinka ayaa bishaan Janaayo, 2021 waxay ku badan yihiin caasimadda oo isku-diyaarineysa martigelinta doorashooyinka madaxtinimada oo aan wali wada-ogol laga gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM