Muqdisho: Haweenay ku dhimatay ceel 90-mitir oo ay ku dhacdey

Image
Image
Marxuumada oo kamid ah qoysaska danta yar ayaa ahayd hooyadda afar caruur ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Degaanka Garasbaaley ee duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, haweenay xaamilo ahayd ayaa iyaddoo meyd ah laga soo saarey ceel 90-kilomitir ah.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiin tagay goobta ay wax ka dhaceen, marxuumadda ayaa ku dhacdey ceelka oo ahaa mid aan biyo lahayn iyaddoo agagaarkiisa ka uruur-saneysa goryaha dabka lagu shito.

Asli Muudey Muuse oo lasoo saarey meydkeeda kadib markii qof kamid ah dadka degaanka uu galay ceelka kuna soo xiray xarig ayaa la wariyey in ay ifka kaga tagtey afar caruur ah.

Maamulka degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay sameeyaan astaan lagu aqoonsanayo in goobta uu ceelka ku yaalo ay tahay mid halis dadna ka fogaadaan.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka qaranka ee SONNA, maamulka wuxuu sidoo kale ka fekerayaa in la aaso ceelka ama dib loo howlgeliyo si ay uga faa'iideystaan dadweynaha.

Asli ayaa lagu waramay in ay kamid ahay dadka danyarta yar ee ku dhaqan duleedka Muqdisho kuwaasoo gobolada Koonfur Galbeed uga soo barakacay abaaraha daran awadeed.

Abaaraha ba’an ee ku dhufay meelo badan oo dalka kamid ah ayaa sababay inay la’daan xoolihii ay ku noolaayeen barakacaayal badan oo so dugaalsaday kaamam ku yaal duleedka caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM