Muqdisho: hawlgalkii Maka Al Mukarrama oo lasoo afjarey

Image

March 28, 2015 (GO)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa 8:00 subaxnimo ee saaka soo afjarey hawlgal bilowdey gelinkii dambe ee shalay  markaasoo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar kusoo qaadeen Hotel Maka Al Mukarama kuna guuleysteen inay gudaha u galaan.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax ismiidaamin ah loona adeegsadey gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo ka dhacay dhabarka dambe ee hoteelka, waxaana intaas kaddib hoteelka gudaha u galay ugu yaraan shan dagaalyahan oo kusoo lebistey direyska ciidamada.

Kooxda weerarka fulisey qaarkood ciidamada ayaa toogtey qaar kalena way is qarxiyeen balse mid kamid ah raggaas oo dhaawac qaba ayaa ilaa iyo xalay ku go'doonsanaa gudaha dhismaha, qofkaas oo sida lagu soo waramayo goor dambe oo saaka ahayd ciidamadu toogteen.

Kooxaha miino baarka ayaa qol qol u baarey dhismaha hoteelka, waxaana gudaha laga soo saarey dad muddo 12 saac ka badan halkaas ku go'doonsanaa oo qaarkood dhaawac yihiin, waxaa sidoo kale gudaha hotelka laga soo saarey meydadka dhowr qof oo kuwii weerarka fuliyey kamid yihiin.


Khasaaraha weerarka ka dhashay:

Ugu yaraan Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyoodey weerarka, dadkaas waxaa kamid ah danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Switzerland Yuusuf Bari-Bari iyo gabar aqoonyahanad ah oo Maraykanka ka timid lana shaqeyneysey Bankiga Dhexe taasoo lagu magacaabi jirey Farxiyo Bashiir Nuur.

Waxaa sidoo kale dhaawacmey ku dhowaad labaatan qof oo kale oo isugu jira askar, shaqaalihii hoteelka iyo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM