Muqdisho: hawlgalkii Maka Al Mukarrama oo lasoo afjarey

Image

March 28, 2015 (GO)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa 8:00 subaxnimo ee saaka soo afjarey hawlgal bilowdey gelinkii dambe ee shalay  markaasoo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar kusoo qaadeen Hotel Maka Al Mukarama kuna guuleysteen inay gudaha u galaan.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax ismiidaamin ah loona adeegsadey gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo ka dhacay dhabarka dambe ee hoteelka, waxaana intaas kaddib hoteelka gudaha u galay ugu yaraan shan dagaalyahan oo kusoo lebistey direyska ciidamada.

Kooxda weerarka fulisey qaarkood ciidamada ayaa toogtey qaar kalena way is qarxiyeen balse mid kamid ah raggaas oo dhaawac qaba ayaa ilaa iyo xalay ku go'doonsanaa gudaha dhismaha, qofkaas oo sida lagu soo waramayo goor dambe oo saaka ahayd ciidamadu toogteen.

Kooxaha miino baarka ayaa qol qol u baarey dhismaha hoteelka, waxaana gudaha laga soo saarey dad muddo 12 saac ka badan halkaas ku go'doonsanaa oo qaarkood dhaawac yihiin, waxaa sidoo kale gudaha hotelka laga soo saarey meydadka dhowr qof oo kuwii weerarka fuliyey kamid yihiin.


Khasaaraha weerarka ka dhashay:

Ugu yaraan Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyoodey weerarka, dadkaas waxaa kamid ah danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Switzerland Yuusuf Bari-Bari iyo gabar aqoonyahanad ah oo Maraykanka ka timid lana shaqeyneysey Bankiga Dhexe taasoo lagu magacaabi jirey Farxiyo Bashiir Nuur.

Waxaa sidoo kale dhaawacmey ku dhowaad labaatan qof oo kale oo isugu jira askar, shaqaalihii hoteelka iyo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM