Muqdisho: Macalin loo dilay in uu canaantay mid ka mid ah ardaydiisa

Image
Maamulka Iskuulka ayaa la xiriiray Laamaha amaanka,si gacanta loogu soo dhigo eedeysanaha.

Muqdisho, Soomaaliya - Fal naxdin leh ayaa maanta ka dhacay Iskuulka Siidii ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay Macalin lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar.

Maxamed Maxamuud Cadaaw oo ka mid ahaa ardaydii wax ka baran jirtay iskuulka ayaa lagu eedeeyay in uu dilkan ka geystay degmada Wadajir. Macalinka ayaa la sheegay in uu canaan u jeediyay mid ka mid ah ardayda wax ka barata Iskuulka kaas oo u dacwooday ehelkiisa oo maanta dacwad u yimid Iskuulka.

Eedeysane Xasan Maxamed Maxamuud Cadaan ayaa lagu sheegay in uu ka mid ahaa ehelkii ardeygii la canaantii, isaga oo iskuulka iska soo xaadiriyay isaga oo sida tooreey, oo markii dambe ku dilay macalinka sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Maxamuud Cadaan ayaa la sheegay in ay qaraabo ahaayeen Ardayga la canaantay, kaasi oo Iskuulka yimid isagoo wata Toorey, kadibna dilay Macalinka, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Maamulka Iskuulka Siidii Cali Maxamuud Xayle ayaa ka warbixiyay dhibaatada ka dhacday Iskuulkaasi, wuxuuna sheegay in Ehelada Gabadha uu Macalinku canaantay ay u yimaadeen Iskuulka oo ay ka cawdeen in Macalinku uu Buug ku dhuftay Gabadhooda.

Maamulka Iskuulka ayaa la xiriiray Laamaha amaanka, maamulka degmada Wadajir & gobolka Banaadir, si gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha oo goobta ka baxsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM