Muqdisho: maxkamadda oo afar wariye ku xukuntey ganaax lacageed

Image

March 1, 2015 (GO)- Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ganaax lacageed ku xukuntey afar wariye oo muddo lix bilood ka badan xirnaa laguna soo eedeeyey inay baahiyeen warar been-abuur ah oo wax u dhimi kara ammaanka iyo xasilloonida.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in afarta wariye ee maanta maxkamadda la hor keenay dhammaantood lagu helay dambiyadii loo haystey. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale u qabtey wariyeyaasha muddo labaatan iyo afar saac ah inay ku bixiyaan ganaaxa lagu xukumey; haddii ay ku bixin waayaanna dib xabsiga loogu celin doono.

Afarta wariye waxaa loo kala xukumey sidan:

  1. Mulkiilaha Radio Shabeele iyo Sky FM, Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud: $10,000.
  2. Agaasimaha Sky FM, Maxamed Maxamuud Daahir (Carab): $2,000.
  3. Tifatirihii Radio Shabeele, Axmed Cabdi Xasan: $500.
  4. Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsan Radio Shabeele waxaa isna lagu xukumey $500.

Wariye kale oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir Xaashi kana tirsanaa idaacadda Shabeele ayaa xukunkiisa dib loo dhigey kadib markii sida guddoomiyaha maxkamaddu sheegay lagu soo oogey eedaymo kale oo dhanka ammaanka la xiriira.

Dhegeysiga dacwada wariyeyaashan ayaa dhowr jeer dib loo dhigay balse maanta ayaa si rasmi ah loo soo afjarey.

Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyey sii deynta wariyeyaasha wuxuuse ka codsaday dowladda inay dib u eegto ganaaxa lacageed ee lagu xukumey maadaama uu aad u badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM